|
ARF oo Mucaawino Gaarsiiyey Gaarisa, Kenya |
|
|
|
|
Sunday, 07 February 2010 |
|
Hay’adda Samafalka ee African Relief Fund ayaa xarumo kala duwan ku leh Geeska Afrika iyo boqortooyada ingiriiska ayaa bishii lasoo dhaafay deeq mucaawimo ah ka qaybisay degaan ka tirsan gobolka Waqoyi bari ee Kenya. Deeqdan ayaa hay’addu u qaybisay dadka degan jiidda wabiga ee ku dhaw magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.
Dadka deeqdan la gaarsiiyey ayaa ahaa dadka muslimiinta ah ee aan Soomalida ahayn ee halkaasi ku nool kuwaasoo ay noloshoodu aad u adkayd ama dhibaato badan oo tan Soomalida ka darani halkaasi ku haysatay. Deeqda dadkan la gaarsiiyey ayaa ahayd mid lacag caddaan ah halkaasi loogu qaybinayey iyagoo ay dadkaasina u mahad noqeen hay’adda AFrican Relief Fund ee deeqdan gaarsiiyey waxayna hay’adaha kale ee la mid ka ah ka codsanayeen in dhibaatooyinka haysta ay il naxariis ah ku eegaan oo ay deeqo kala duwan lasoo gaaraan. |